Sidee loo horu marin karaa bulshada soomalida fredrikstad (fikirkaada ka dhiibo)

Waqtigu waa mid socda oo aan cidna sugin, cimriguna waa cadad yar oo qofku uusan dareemay inta uu ku qaatay, haddaba haddii aan nahay bulshada ku nool waddanka Norway sideen uga faa’iidaysan karnaa waqtigeenna? waa su’aal loo baahan yahay in uu qofkastaahi is weydiiyo, shaqsi ahaan ka dibna uu jawaab u helo, sida uu uga faa’iidaysan karo iyo sida uu bulshadiisa ugu faa’iidayn karo.

Maamulka jaaliyadda soomaalida waxuu danaynayaa inuu helo fikradihiinna ku aadan qaabka looga faa’iidaysan karo waqtiga, ku darso fikirkaada ku aadan qormadaan.

Sida aad la wada socotaan waxuu maamulku hore u qorsheeyay barnaamij wax barsho oo ay ugu magac dareen BAR AMA BARO kaasoo loogu tala galay in ay bulshadu isugu faa’iidayso, balse ayaan darro barnaamijkaasi ma noqon mid sidii loogu tala galay u hawl galay, haddaba su’aashu waxay tahay maxuu barnaamijku u noqon waayay mid hawl gala?

Waxaanu u baahan nahay in aan ogaanno sababta iyo fikirkiinna ku aadan barnaamijkaa:

  • Ma barnaamij aan loo baahnayn ayuu ahaa?
  • Ma maamulka ayaa qorshoodu xumaa?
  • Ma bulshada aan garanba faa’iidada barnaamijka?
  • Ma macalimiinta ayaa la dhaliil sanaa?
  • Ma waqtiga qaboobaha awgii ayaa loo imaan waayay?
  • Ma goobaha lagu qabanayay ayaan ku habboonayn?
  • Dhammaan su’aalahaan iyo iyo kuwii kale oo ku aadanba waxay u baahan yihiin in loo helo jawaab, haddaba maxay kula tahay?

     

    Shortlink:

    [email protected]

    Posted by Mohodin
    on April 10, 2013. Filed under Fikradaha.
    You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0.
    Both comments and pings are currently closed.

    Leave a Reply

    Your email address will not be published. Required fields are marked *